Israa’il oo duqeysay xarunta Kooxda Xisbullah ee magaalada Beirut

Sep 28 ( Jowhar)-Milateriga Israa’il ayaa sheegay inay duqeyn la beegsadeen xarunta dhexe ee Xisbullah oo ku taalla duleedka koonfureed ee Beirut, weerarkaas oo gilgilay caasimadda Lubnaan.

Wakaaladda wararka ee Axios oo soo xiganaysa ilo ka tirsan Israa’iil ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah uu ahaa bartilmaameedka duqaynta.

Ilo ku dhow Hezbollah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Nasrallah uu nool yahay, halka wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ay sidoo kale sheegtay inuu bad qabo.
Sarkaal sare oo ka tirsan ammaanka Iran ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Tehran ay hubinayso xaaladdiisa.

Telefishinka Al-Manar ee ay taageerto Iran ayaa sheegay in afar dhismo ay burbureen, waxaana jira khasaare badan oo ka dhashay weerarradan.

Israa’iil ayaa afar jeer hore u duqeysay duleedka koonfureed ee Beirut, oo loo yaqaan Daahiyeh, oo ay maamusho Hezbollah, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan militariga Hezbollah.
Balse weerarkii Jimcihii ayaa ahaa mid aad uga xoog badnaa, iyadoo qaraxyo badan ay gilgileen daaqadaha magaalada.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Najib Mikati ayaa sheegay in weerarka uu muujinayo in Israa’iil aysan dan ka lahayn baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta Lubnaan.

Waa weerarkii ugu xoogganaa ee ay Israa’iil ka geysato Beirut ku dhawaad ​​sannad oo ay colaadda kula jirtay Xisbullah.

Laamaha ammaanka ee Lubnaan ayaa sheegay in weerarka lala beegsaday goob ay inta badan ku sugan yihiin saraakiisha ugu sareysa Xisbullah.

Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah ayaa aad u sii xumaatay toddobaadkan, iyadoo duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ku dileen in ka badan 700 oo qof dalka Lubnaan.

Xiisadda sii korortay ee toddobaadkan waxa ay barakicisay ku dhawaad ​​100,000 oo qof oo ku nool Lubnaan.

Dhinaca kale Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay weerar gantaallo ah ku qaadeen magaalada Safad ee waqooyiga Israa’iil.

Xisbullah waxaa kale oo ay sheegeen in dagaalyahanadeeda ay tobanaan gantaal ku garaaceen magaalada Karmiel ee waqooyiga Israa’iil iyo Sa’ar kibbutz.

Weerarada ayaa imaanaya wax yar kadib markii Israa’iil ay weerartay deegaanka Beyruut ee dhanka koonfureed ee Lubnaan, iyadoo dhulka la simay lix dhismo oo ku yaalla degmada Haret Hreik. Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More