Israel oo 10 Falastiiniyiin ah ku dishay weeraro ay ka fulisay Qaza

Nov 17 (Jowhar)-Saraakiisha caafimaadka Falastin ayaa sheegay in ciidamada Israel ay Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah, isla markaana ay dhaawaceen 20 kale gudaha Iskuul ay ku noolaayeen dad barakac ah oo ku taala Gaza.

Saraakiishu waxay sheegeen, in iskuulka ay Qaramada Midoobay maamusho ee Abu Assiic laga wado howlo gurmad ah oo looga soo daad gureynayo dadka ku hoos jira burburka hoostiisa. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Israel oo ku saabsan dadka rayidka ah ee halkaasi lagu laayay.

Laakin milatariga Isra’il waxay sheegeen in laba madfac oo laga soo tuuray waqooyiga Gaza lagu burburiyay hawada Isra’il. Taasi ayaa muujineysa, awoodda ay wali kooxaha dagaalyahanada Falastiiniyiinta ee Gaza ay u leeyihiin in ay madaafiic ku tuuraan Isra’il, kaddib 13 bil oo ay dagaallo xoog leh ka socdaan Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa barakiciyay inka badan 2 milyan oo ruux, halka lagu dilay in ka badan 43 kun oo Falastiinyiin ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More