Israel oo duqeymo culus ku dishay 27 qof oo Lubnaan ah

Oct 17 (Jowhar)Saraakiisha Lubnan ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof lagu dilay duqeyn cirka oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen deegaanno ku yaalla koofurta Lubnan 24-ki saac ee lasoo dhaafay.

Magaalo ku taalla dhinaca koofureed, dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay in uu ku jiray duqii magaalada, xilli ay wadeen howlo gurmad dhanka bani’aadannimada ah.

Duqeynta lagu dilay meeyarka magaalada Nabatiyah ayaa ah tii ugu horreysay oo ay ciidanada Isra’il ku bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda Lubnan, tan iyo marki ay billowday olalaha duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka ah ee Luban bishi hore.

Weerarka ayay saraakiishu sheegeen in lagu 16 qof laguna dhaawacay 50 kale. Wali ma aysan ka hadlin ciidanka Isra’il duqeyntaasi.

Laakin, milatariga Isra’il waxay sheegeen in weerar cirka ahaa oo ay Talaaddi ku garaaceen degmada Qana ay rabeen in ay ku khaarijiyaan abaanduule ka tirsan Xisbullah. Weerarkaas ayaa lagu dilay ilaa 15 qof Talaadadi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More