Israel oo duqeyn cirka ah ku dishy 54 Falastiiniyiin ah

Jan 03 ( Jowhar) Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Israel ku rusheeyeen qeybo kala duwan oo Gaza lagu dilay, ugu yaraan 54 qof oo Falastiiniyiin ah.

11 ka mid ah dadka la dilay oo ay ku jireen dumar iyo carruur ayaa lagu duqeeyay teendhooyin ku yaalla xaafadaha baraka cee degmada Al-Mawasi, halkaas oo ay Isra’il u asteysay aagga bani’aadannimo ee dadka rayidka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Gaza ayaa sheegtay, in mid ka mid ah duqeymihi shalay ee Gaza lagu dilay, agaasimihi guud ee Qeybta Booliska ee Gaza, Maxmuud Salaax iyo kaaliyihiisa Xusaam Shawxan.

War kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay in deegaanka Al Mawasi ee galbeedka magaalada Khan Yunis ku dileen Xusam Shawxan oo ay sheegeen in uu Xamas ma’uul uga ahaa amniga guud ee koofurta Marinka Gaza.

Weeraro kale oo cirka ah oo ay Israel ka fulisay Gaza Khamiistii shalay, ayay ku dishay ugu yaraan 43 Falastiiniyiin ah.

Duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza ee ku taalla Khan Yunis, dhismooyin ku yaalla xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, kaamba Shati iyo xerada qaxootiga ee Maghazi ee bartamaha Gaza.

Duqeymihi ugu danbeeyay ee Israel  eey Gaza ku qaadday xalay ayaa lagu dilay ugu yaraan 4 qof, bartamaha Gaza iyo degmada Xeytuun, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More