Israel oo jabisay heshiiskii Xamas, duqeynna Ku dishay 20 qof

Jan 16 (Jowhar)-Duqeyn xaga cirka ah oo ay fulisay Israel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof oo ku nool magaalada Qasa, kadib markii la shaaciyay heshiiska xabad joojinta iyo siideynta maxaabiista oo ay gaareen Xamaas iyo Israa’iil.

Warkan werark la xiriira waxaa laga soo xigtay hay’adda difaaca rayidka ee ay maamusho Xamaas ee Qasa.

Duqeyntan ayaa dhacday xalay, dadka dhibanayaashana waxaa ku jiray 12 qof oo ku noolaa xaafad ku taal xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gasa, sida ay sheegtay hay’addu.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Israel.

Iyadoo lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta, weli ma aysan ansixin golaha wasiirada ee Israel, haddii la ansixiyana ma dhaqan-geli doono illaa maalinta Axadda.

Israel ayaa hore duqeymo xagga cirka ah fulisay iyadoo uu dhaqan galayay heshiisyo xabbad-joojineed oo hore loo gaaray oo ay ku jirto tii ugu dambeysay ee Lubnaan, halkaas oo duqaymaha culus lagu garaacay caasimadda Beirut saacado yar ka hor xabbad-joojintii halkaas ka dhacday bishii November.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More