Israel oo sheegatay iney dishay ninka bedelaya hoggaamiyihii Xizbullah Xasan Nasrallah

Oct 23  (Jowhar)-Milateriga Israel ayaa sheegay in ay dileen wadaadka loo malaynayay in uu xilka kala wareegi doono hoggaamiyihii geeriyooday ee Xisbullah, Xasan Nasrallah , kaddib weerar xagga cirka ah oo ay fuliyeen ku dhawaad saddex toddobaad ka hor.

Haashim Sayfudiin ayaa ku dhintay duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan ee Beirut, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israel (IDF).

Ururka Xisbullah, oo ah urur awood badan oo Shiicada Lubnaan ah lana dagaallama Israa’iil, ayaan wali xaqiijin geerida Sayfudiin.

Hoggaamiyihii hore, Nasrallah, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israel ka geysatay Beirut 27-kii bishii hore ee Sebtembar.

Kadib duqeyn cirka ah oo 4-tii Oktoobar ka dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada, saraakiisha Xisbullah ayaa sheegay in ay lumiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Safiiddine, halka warbaahinta Mareykanka ay soo xiganeyso mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah oo sheegaya in wadaadka uu ahaa bartilmaameedka duqeynta.

Qaraxyo waaweyn ayaa gilgilay magaalada habeenkaas , waxaana ka soo baxay qiiq aad u badan oo ilaa subaxnimadaas la arkayey.

Talaadadii, ciidanka difaaca Israel, waxay soo saareen bayaan ay ku sheegayaan in Safieddine lala dilay Cali Xuseen Xazima, oo lagu tilmaamay inuu ahaa taliyihii xarunta sirdoonka ee Xisbullah, ka dib markii ay weerar ku qaadeen xarunta ugu weyn ee sirdoonka ee Xisbullah oo ku taalla Beirut.

Waxay ku eedaysay Safieddine inuu muddo hagayey “weerarada ka dhanka ah Israa’iil” sidoo kalena uu qeyb ku lahaa go’aanada masiiriga ah ee Xisbullah.

Xisbullah ayaa ah urur siyaasadeed militari iyo bulsho, oo awood weyn ku leh Lubnaan.

Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Israa’iil iyo kuwo kale ayaa u aqoonsaday inay yihiin urur argagaxiso.

Safieddine laftirkiisa waxaa Mareykanka iyo Sacuudiga ay ku dareen liiska “argagixisada caalamiga ah” sanadkii 2017-kii.

Ninkaan oo ay ilmo adeer yihiin Xasan Nasrallah, waxa uu culuum diimeed ku soo qaatay dalka Iran, wiilkiisa ayaana guursaday gabadh uu dhalay Gen Qasem Soleimani, oo ahaa taliyihii ugu awoodda badnaa milatariga Iran, kaas oo lagu dilay duqayn cirka ah oo Maraykanku ka gaystay Ciraaq 2020.

Waxaa la rumeysan yahay inuu da’diisu ahayd 60 jir markii la sheegay inuu dhintay.

Khudbad uu ka jeediyay Beirut dhawaanahaan, Safieddine ayaa ka hadlay arrimaha ku saabsan cidda hoggaamineysa Xisbullah, waxa uuna yiri, “Iska caabintayada, marka hogaamiye kasta uu shahiido, mid kale ayaa calanka qaata oo sii wata go’aanka,” ayuu yiri waxaana hadalkaan laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

Israa’iil ayaa qaaday duullaanka ka dhanka ah Xisbullah kadib ku dhawaad sanad oo ay ku jirtay colaad xuduudeed ka dhashay dagaalka Qaza, iyadoo sheegtay in ay doonayso in ay xaqiijiso in ay si nabad ah ku soo laabteen dadka deggan deegaannada xudduudaha ee ay ka barakiciyeen weerarrada, gantaallada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah.

Sanadkii la soo dhaafay, ugu yaraan 2,464 qof oo Lubnaan ah ayaa la dilay ku dhawaad 12,000 oo kalena waa la dhaawacay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

Hezbollah waxa ay Israa’iil ku weerartay kumanaan gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isla muddadaas, ugu yaraan 59 qof ayaa lagu dilay waqooyiga Israa’iil iyo buuraha Golan ee la haysto, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More