Israel oo weerar dhulka ah ku qaaday Lubnaan

Oct 01 (Jowhar)Israa’iil ayaa sheegtay in ay qaaday weerar dhulka ah oo xaddidan oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xisbullah ee Lubnaan.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid xaddidan, waxaana lagu taageeray duqeymo iyo madaafiic.

War saxaafadeedkeeda ayaa lagu sheegay in ay Israa’iil Xisbullah ku beegsatay “tuulooyinka u dhow xadka” Israa’iil.

Mid ka mid ah duqeymaha ayaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay xero weyn oo ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah taas oo u dhow Sidon oo ku taalla koonfurta Lubnaan.

Hawgalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Wasiirka difaaca Israa’iil uu shalay wacad ku maray in ciidankoodu ay qaadi doonaan duulaan dhulka ah oo ay ku qaadaan koonfurta Lubnaan. Waxa uu sheegay in ciidamada ku sugan xuduuda ay isticmaali doonaan xoog oo dhanka cirka, dhulka iyo badda si ay ugu oggolaadaan dadka Israa’iil ee barakacay inay ku laabtaan guryahoodii.

Balse dhanka kale waxaa ka jawaab ceiyay Ku xigeenka hogaamiyaha Xisbullah kaas oo sheegay in dagaalyahanada kooxdu ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan duulaanka Israa’iil.

Khudbaddiisii ugu horreysay ee xubin sare oo ka tirsan Xisbullah tan iyo markii la dilay hogaamiyahooda Jimcihii, Naciim Qasem wuxuu sheegay in Xisbullah ay u diyaar-garowday duulaan dhulka ah oo dhanka Israa’iil kaga yimaadaa.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa isna ku dhawaaqay in ciidamada dalkaasi ay sidoo kale diyaar u yihiin inay difaacdaan aagga xadka haddii loo baahdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More