Israel oo xirtay inkabadan 240 Falastiiniyiin ah
Dec 29 ( Jowhar) Ciidamada Israel ayaa la xaqiijiyay in ay xireen in ka badan 240 oo qof oo Falastiinyiin ah oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, agaasimayaasha iyo howlwadeennada isbitaal ku yaalla waqooyiga Gaza, kaddib marki ay weerareen Jimcihii.
Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay badqabka Xusam Abu Safiya oo ah agaasimaha Isbitaalka Kamal Cudwan. Qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka ay soo sii daayeen ciidamada Isra’il ayaa sheegay in ciidamada xiray agaasimaha Isbitaalka ay aad u garaaceen.
Milatariga Israel ayaa sheegay in isbitaalka ay Xamas u adeegsanayeen xarun ay ka duulaan. Waxay kaloo sheegeen in qaar ka mid ah dadka ay xireen ay uga shakisanyihiin in ay ka tirsan yihiin Xamas.
Xamas ayaa eedahaasy iska fogeysay isla markaana sheegtay in isbitaalka uusan joogin qof iyaga ka tirsan. War kasoo baxay Xamaas ayay Sabtidi ugu baaqeen Qaramada Midoobay iyo hey’adaha caalamiga ah in ay si deg deg ah u soo farageliyaan si loo ilaaliyo isbitaallada yar ee hadda shaqeeya ee ku yaalla waqooyiga Gaza.