Israel waxay uga digtay Lubnaan: Ilaalin ma jirto haddii xabbad-joojin ay fashilanto

Dec 03 (Jowhar)-Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa soo saaray digniin ah in haddii xabbad joojintii la sameeyay todobaadkii hore ay fashilanto, ay Israel “sii geli doonto” gudaha Lubnaan oo aanay kala saari doonin ciidamada Lubnaan iyo Xisbullah.

“Haddii aan ku soo laabano dagaalka, waxaan ku hawlgali doonnaa xoog dheeraad ah, waxaanan geli doonnaa qoto dheer, mana jiri doonto wax xasaanad ah oo ay leeyihiin dawladda Lubnaan,” ayuu yiri mar uu booqasho ku tagay xadka waqooyiga Israel.

Mr. Katz ayaa yiri “ilaa hadda, waxaan kala saarnay Lubnaan iyo Xisbullah…tani hadda ma sii ahaan doonto”.

Dhanka kale, sagaal qof ayaa naftooda ku waayey duqeymaha ay Israel la beegsaneyso tuulooyinka ku yaalla koonfurta Lubnaan, iyadoo Israa’iil ay ku dhawaaqday inay beegsaneyso goobo badan oo Xisbullah ah, taasoo jawaab u ah weerar loo aaneynayo kooxda xagjirka ah oo ay ku jirto xabbad-joojin halis ah.

Milateriga Israa’iil, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “inay garaaceen argagixisada Hezbollah, gantaallo badan, iyo kaabayaasha argagixisada ee guud ahaan Lubnaan”.

“Israa’iil waxay ka dalbanaysaa dhinacyada ay khusayso ee Lubnaan inay gutaan waajibaadkooda oo ay ka hortagaan falalka cadawtinimada leh ee Hezbollah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wakaalada Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa ka warbixisay duqaymo ka dhacay guud ahaan koonfurta Lubnaan.

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan, duqeymaha cirka ayaa sababay dhimashada shan qof iyo laba dhaawac ah oo ka dhacay tuulada Haris “warbixin hordhac ah”, halka tuulada Tallous, afar qof oo kale lagu dilay mid kalena uu ku dhaawacmay.

Mar sii horreysay, Xisbullah waxay sheegtay inay weerartay fariisin ay Israa’iil ku leedahay “buuraha la haysto ee Kfar Shouba”, kaasoo ku yaalla xuduudka lagu muransan yahay ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Hezbollah ay laba gantaal ku soo tuurtay mid ka mid ah fariisimaha ay ku leedahay aagga Har Dov, oo ah ereyga Israa’iil ee beeraha Shebaa ee lagu muransan yahay.

Weerarkan ka dib, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku cambaareeyay Xisbullah “xadgudub halis ah” wuxuuna wacad ku maray inuu “si adag uga jawaabi doono”.

“Waxaan go’aansanay inaan sii wadno xabbad-joojinta oo aan ka fal-celinno xad-gudub kasta oo Xisbullah ah, iyada oo aan loo eegin sida ay u fudud tahay ama muhiimka u tahay,” ayuu yidhi.

Wasiirka difaaca Israel Israel Katz ayaa sidoo kale balan qaaday “jawaab adag”.

Wax yar ka dib, milatariga Israel ayaa ku dhawaaqay inay beegsanayaan goobo ku yaala Lubnaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More