Isra’il oo duqeymo ay ku dishay Lix ruux ka geysatay magaalada Beyrut

Oct 03 (Jowhar)-Israa’iil ayaa aroornimadi hore ee Khamiista maanta ah duqeysay batamaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnaan, duqeymahaas oo la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan lix qof.

Duqeynta ayaa timid saacado kaddib marki ay ciidamada Isra’il ee galay Koofurta Lubnan ay la kulmeen khasaarihi ugu cuslaa ilaa iyo hadda, kaddib marki uu millatariga Isra’il Arbacadi shalay sheegay in dagaalka Lubnan looga dilay 8 askari oo uu ku jiray sarkaal sare.

Isra’il waxay sheegtay in ay xalay saqdi dhexe kaddib duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla Beyrut. Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay maqleen daryanka madaafiic culus.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa iyaguna xaqiijiyay in meelaha la garaacay uu ku jiro dhisme ku yaalla xaafadda Bachoura oo aad ugu dhaw aqalka baarlamaanka, waana marki ugu horreysay ee ay duqeymaha cirka ah ee Isra’il u soo gaaraan agagaarka xarumaha dowladda Lubnan.

Dhinaca Gaza, Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 51 qof lagu dilay 82 kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay Isra’il Arbacadi ku qaadday magaalada Khan Younis.

Isbitaallada Gaza ayaa sheegay in meydadka la keenay ay ku jireen 7 dumar ah iyo 12 carruur ah oo kan ugu yar uu jiray 22 bilood. Ciidanka Isra’il wali kama aysan hadlin duqeymahaasi uu dhiigga badan ku daatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More