Israil oo markii ugu horeysay duqeysay Xuutiyiinta Yemen

Jul 20 ( Jowhar.com)-Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta Yemen, maalin kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay Xuutiyiintu ku duqeeyeen magaalada Tel Aviv. Duqeymaha ayaa fiidnimadii caawa lagu garaacay dekedda Xudeydah ee Badda Cas.

Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta Mohammed Abdulsalam ayaa sheegay in duqeymahan looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo Xuutiyiinta in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan Falastiiniyiinta ku sugan Qaza, arrintaas oo uu sheegay in aysan dhici doonin.

Waa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay si toos ah uga jawaabto waxa ay ku sheegtay boqolaal ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yemen iyo weeraro gantaallo oo lala beegsaday bilihii la soo dhaafay.Muuqaal laga soo duubay Xudeydah ayaa muujinayay dab aad u weyn oo kacaya.

Xukuumadda ay Xuutiyiinta maamulaan ee Sanca ayaa sheegtay in Israa’iil ay garaacday xarumaha kaydka saliidda ee u dhow xeebta, iyo sidoo kale warshad koronto oo u dhow. Waxa ay sheegtay in uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Jimcihii dhismo dabaqyo ah oo ku yaalla magaalada Tel Aviv ayaa waxaa ku dhacay sida uu sarkaal ka tirsan milatariga Israa’iil sheegay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Iran lagu farsameeyay, kaas oo loo sameeyay inuu ku duulo masaafo dheer.

Xuuthiyiinta – oo in ka badan 1,000 mayl (1,600km) u jirta Yemen – ayaa sheegay inay fuliyeen weerarka, waxayna wacad ku mareen inay sii kordhin doonaan.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay nin 50 jir ah oo dhawaan u guuray Israa’iil isagoo ka yimid Belarus, waxaana ku dhaawacmay 8 kale.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Israel ayaa sheegay in ciidamadooda difaaca ay ogaadeen diyaarada aan duuliyaha lahayn ee imaanaysa balse aysan isku dayin inay soo ridaan sababta qalad bini’aadantinimo awgeed.

Inkasta oo aanay Israa’iil hore u duqayn Xuutiyiinta Yemen, haddana Maraykanka iyo UK waxa ay wadeen duqeymo ka dhan ah kooxdan muddo bilo ah si ay u joojiyaan Xuutiyiinta oo weerarro ku qaada maraakiibta ganacsi ee mara gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More