Itoobiya oo beenisay in ciidankooda ay ka qeyb qaateen dagaalkii magaalada Doolow

Dec 24  ( Jowhar) Dawladda Itoobiya ayaa beenisay eeda DF Soomaaliya ee ah in ay ciidanka Itoobiya ka qeyb noqdeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Doolow ee gobalka Gedo.

Itoobiya ayaa ku eedeysay in arrintan ay Soomaaliya uga gol leedahay in aan xariirka lawanaajin, ayna jirto gacan 3-aad oo daganaanta Geeska Afrika diidan, taas oo ay Itoobiyaanku u wadaan dhanka Masar.

Itoobiya iyo Masar ayaa maanta hadalo ad adag hawada isku mariyey, waxay Qaahira sheegtay in aan Itoobiya Badda Cas loo ogolaan doonin aslanba, xiligaas oo uu garabtaagnaa Axmed Fiqi oo maalmo kahor Ankara kaga qeybgalay madashii heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya.

Maanta, iyadoo ay dhinacyadu sidaas u hadlayaan hadana Soomaaliya ayaa u dirsatay Addis Ababa wafdi Itoobiya kala hadla sidii ay Badda kugari lahayd.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More