Itoobiya oo walaac ka muujisay Ciidamadda Masar ay usoo wado Soomaaliya

Aug 28(Jowhar)-Itoobiya ayaa sheegtay in Amnigeeda Qaranka halis kujiro, Talaabooyinka imaanshaha Milateriga Masar ee Soomaaliyana ay gobalka u horseedayso marxalad aan daganaansho laheyn.

Xukuymadda Addis Ababa, waxay sheegtay in aysan iska indho tiri doonin waxay ugu yeertay ficilada amnigeeda dhaawacaya ama taabanaya ee kasocda gobalka, waxayna ku dooday in hadalo cadowtinimo leh uga imaanayaan Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay dhiiga u hurtay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xilo Masar  48dii saac ee lasoo dhaafay qalab milateri, khuburo ciidan iyo agabyo badan u dirtay Soomaaliya, waxaana lageeyey Muqdisho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More