Jaamacadda SIMAD oo kaalmaha hore ka gashay jaamacadaha ugu sareeya dalalka Sub-Sahara Afrika
Nov 27 ( Jowhar)Jaamacadda SIMAD oo kamid ah Jaamacadaha ugu faca weyn ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa guul taariikhi ah ka keentay qiimeyn lagu sameynayay Jaamacadaha ugu tayada wanaagsan ee dalalka Saxaraha ka hooseeya
Qiimeyntan oo ay sameyay Times Higher Education ayaa Jaamacadda SIMAD si rasmi ah loogu aqoonsaday kaalinta 1-aad ee Soomaaliya iyo kaalinta 7-aad ee Sub-Sahara Afrika sida ku cad qiimeynta 2024 ee kala sarreynta Jaamacaddaha.
Jaamacada SIMAD oo baraheeda bulshada ku baahisay xogtan ayaa tilmaamtay iney Tani uga dhigan tagay guul weyn oo muujineysa Tayada waxbarashada, hal-abuurka, iyo cilmibaarista Jaamacadda SIMAD iyo guud ahaan dalka.