Jabhada M23 oo qarka u saaran iney qabsato magaalada labaad ee ugu weyn bariga Congo
Feb 15(Jowhar)Kumannaan qof oo argagaxsan ayaa Sabtidi shalay ka cararay magaalada labaad ee ugu weyn bariga dalka Congo, kaddib marki ay malleeshiyada fallaagada M23 ku soo dhawaadeen aaggaasi.
Waddooyinka ka baxa magaalada Bukavu ayaa ciriiri noqday, kaddib marki qaar badan oo ka mid ah shacabka magaalada oo lagu qiyaasay 1.3 milyan ay soo food saartay cabsi ah in ay dhibaato kala kulmaan fallaagada M23, kuwaas oo xalay ku hoyday nawaaxiga magaalada Bakavu.
Xaaladda magaalada ayaa xalay u muuqatay mid xasilloon, kaddib marki ay ciidamada dowladda Congo isaga baxeen una jiheeysteen dhanka koofureed, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee AP u xaqiijiyay Alexis Bisimwa oo ka mid ah dadka deegaanka.
Ciidamada ayaa gubay bakhaarradi keydka hubka, taas oo la sheegay in ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah rayidka oo ay waddooyinka guryahooda ugu tageen rasaas wiifto ah. Goob joogayaal ayaa iyaguna xaqiijiyay in ay jireen boob iyo bililaqo loo geystay goobo gancsi.
Isbahaysiga Kongo River Alliance, oo ay ku midaysan yihiin kooxaha fallaagada ah oo ay ku jirto M23, ayaa rabshadaha Bukavu ku eedeeyay, ciidamada dowladda Congo iyo malleeshiyooyinka xulufada la ah ee teegeerada ka hela Burundi.
Jabhadda M23 ayaa la sheegay in ay taageero milatari iyo mid dhaqaalaba ka hesho dowladda Rwanda. Rwanda waa ay beenisay warkaasi.