Jabuuti oo cadeysay mowqifkeeda dagaalka maalinkii 8-aad ka socda Laascaanood
Feb. 13 (Jowhar.com-Dowladda Jabuuti oo ka hadashay dagaalka maalintii 8-aad ka socda magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in xukuumadda uu hoggaaimiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay had iyo jeer u ololeynayso nabadda gobolka ayna marna faragelin arrimaha gudaha ee dalalka ay dariska yihiin.
Qoraal uu bartiisa twitter ku baahiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku beeniyay in Somaliland ka codsatay iney dhex dhexaadiso dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood.
“Somaliland ma codsan dhexdhexaadinta Jabuuti ee xaaladda Laascaanood. markaa Jabuuti waxay ku sii adkaysan doontaa siyaasaddeeda derisnimo ee caanka ah iyo dhexdhexaadnimada.” ayuu yiri wasiirka.
Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 8-aad, waxaana tan iyo saaka la sheegay in dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in guryo dhowr ah ay maanta ku gubteen duqeynta ku socota magaalada. Somaliland ayaa ku dooday in magaalada ay kula dagaallamayso xooggag ay ku sheegtay argagixiso.
Dhanka kale, waxaa xaalad adag wajahaya qaar kamid ah dadka ka barakacay dagaalka Laasacaanood ee u qaxay deegaannada u dhaw magaalada.