Jabuuti oo Itoobiya ka sugeysa aqbalida adeegsiga dekeda Tojorah

Oct 01 (Jowhar)Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay inay dowladda Itoobiya ka dhawrayso jawaab celinta dalabkeedii ahaa adeegsiga dekedda Tojorah ee waqooyiga dalka Jabuuti, taasoo ay ugu deeqday.

“Arrintaasi wali miiska ayay saarantahay u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed, waxaanu Itoobiya la wadaagnay mid kamid ah dekedaha ku yaal waqooyiga dalka” Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Hadii Itoobiya dalabkan ay tixgaliyaan, waxey meesha ka saaraysa doonitaankeeda biyaha Soomaaliya oo muran xooggan gobolka ka dhex dhaliyay.

Si kastaba, Itoobiya ayaa dhawaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay hortiisa ka difaacday heshiiska ay la gashay Somaliland, iyada oo sheegay in uu gobolka dan u yahay, dowlada Soomaaliya iyaa iyaduna si adag uga soo horjeedsatay heshiiska. Wadahadaladii u socday laba dal ayaan hada rajo laga qabin sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More