James Swan oo markale loo magacaabay Ergeyga Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay
Mar 28 (Jowhar)-Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu James Swan u magacaabay Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNTMIS.
Waxa uu afhayeenku sheegay in Guteress uu ku faraxsan yahay in Mudane Swan uu aqbalay in uu sii hoggaamiyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddadan xasaasiga ah.
James Swan ayaa xilkan si kusime ahaan u hayay tan iyo bishii Maajo ee 2024. Danjire James Swan ayaa hore xilkan u soo qabtay 2011-2013.
Md. Swan waa diblomaasi waayo arag ah oo muddo-dheer ka soo shaqeeyay dalalka Afrika ee wajahaya isbeddelo siyaasadeed oo adag. Wuxuu Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kasoo qabtay xilal sare xilliyo kala duwan ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Qaramada Midoobay