Jen. Biixi oo lagu wareejiyay askar, hub iyo gaadiid dagaal oo Shabaab looga saarayo Mudug
Jan. 16 (Jowhar.com)-Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneral Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan degaanka Qosol-tire ee koofurta gobolka Mudug ayaa lagu wareejiyey ciidamo iyo gaadiid dagaal oo laga soo ururiyey degmoiyinka Cadaado, Baxdo iyo degaannada hoos yimaad.
Ciidankan waxaa wareejiyey wefdi ka socday maamulka Galmudug oo uu hor kacayey wasiiru-dowlaha arrimaya gudaha Galmudug Cumar Guureeye, waxaa wefdiga qayb ka ahaa wasiir ku xigeenka qorshaynta Galmudug Maxamed dhega-cadde, xildhibaan Cabdi Cali Axmed iyo mas’uuliyiin kale.
Ciidankaan ayaa qayb ka noqon doonaa howlgallada iyo dagaallada ka dhanka Shabaab, gaar ahaan fulufka ku foorara degaannada koonfurta gobolka Mudug.
Jeneraal Biixi ayaa sheegay in heer gaba gana ah uu marayo diyaar garowga duulaanka Shabaab, iyadoo Puntland ay ciidankeeda PSF u soo dirtay ka qeyb qaadashada dagaalka.
Sida xoguhu sheegayaan, hadii Shabaab laga saaro gobolka Mudug waxey ka dhignaan doontaa in waayihii kooxdaasi uu iska soo dhamaaday, waxaana loo jiheysan doonaa Jubaland iyo Koofur Galbeed oo deegaano badan ay ka heystaan.