Jeneraal Asad Diyaano oo loo magacaabay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed

Sep 26 (Jowhar)Golaha wasiirada xukuimada Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan aan caadi eheyn ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasiirka Amniga Soomaaliya Jen. Fartaag ee ah magacaabista taliyaja cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay shirkii golaha wasiirada ayaa lagu sheegay in Asad Cismaan Maxamuud (Diyaano) loo magacaabay xilka taliyaha ciidanka booliska, iyadoo xilkaasi laga qaaday taliyihii hore Jen. Sulub Axmed Firin.

Jen. Asad ayaa bilihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay in xilkaasi loo magacaabayo, waxa uu deegaan ahaan kasoo jeedaa magaalada Boosaaso, isagoo dhawaan kamid ahaa musharixiintii Deni kula tartamay xilka madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More