Jeneraal Odowaa oo mar kale loosoo magacaabayo taliyaha ciidanka xoogga dalka
Nov 10 (Jowhar)-Golaha Wasiirada XFS ayaa goordhow la filayaa inay mar kale dib u magacaabaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge.
Odowaa ayaa xilkan laga qaaday sanad ka hor, iyadoo lagu xusuusto in xilligii uu Taliyaha ahaa in Ciidanka Xoogga guulo waa weyn ka soo gaareen howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee bilowday dhammaadkii sanadkii 2022, deegaano fara badan lagu xorreeyay.
Dib ugu soo laabashadiisa Taliska CDS waxay ka dhigan tahay in mar kale dowladdu dib u bilaabi doonto howlgaladii ka dhanka ahaa Argagixisada.
Todobaad ka hor ayay aheyd markii sidoo kale Taliyaha ciidanka Lugta loo magacaabay Sarreeye Guuto Sahal C/llaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid.