Jeneraal Sulu boo dalka Serbia u jooga shir ku saabsan la dagaalanka argagixisada iyo danbiyada abaabulan
July. 26 (Jowhar.com)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Wafti Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo, aya gaaray Magaalada Belgrade ee Caasimada Dalka Seerbiya, halkaas oo uu safar shaqo u joogidoona mudo 4 casho ah.
Taliyaha iyo Waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka socday safaarada Soomaliya ee Seerbiya iyo Masuuliyiin ka socda Dowlada Seerbiya.
Sidoo kale taliyuhu wuxuu la kulmay, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Seerbiya, Mudane. Maxamed Cabdulahi Axmed, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Seerbiya, Mudane. Bratislav Gašić, Taliye Xigeenadda Booliska Seerbia ee kala ah General Miomir Pajić iyo Bratislav Pavlović. Taliyaha hogaan Arimaha Dibadda ahna Taliyaha Interpol Col. Miloš Andjić iyo Saraakiil kale.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashi farsamo ee la dagaalanka Argagixisada iyo Dambiyada Abaabulan, la iskuna dhaafsaday hadiyado ka turjumaya labada Taliska Ciidan Booliis ee Seerbiya iyo Soomaaliya.