Joe Biden oo ka haray tartanka doorashada Maraykanka

FILE PHOTO: FILE PHOTO: U.S. President Joe Biden departs the White House in Washington, U.S., for a campaign fundraiser in California, May 9, 2024. REUTERS/Craig Hudson/File Photo

July 21 ( Jowhar.com)- Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka uuna sheegay taageerayo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.

“Maanta waxaan rabaa inaan taageero buuxda u muujiyo Kamala inay noqoto musharaxa xisbigayaga sanadkan. Dimuqraadiyiinta – waa waqtigii la isu iman lahaa oo laga adkaan lahaa Trump, ”Biden ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxaayay cadaadis xoog leh oo lagu saarayo Biden inuu ka tanaasulo tartanka madaxtinimada, iyadoo xaalkiisu sii xumaaday kadib markii dhawaan laga helay cudurka Covid 19.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More