Jubaland oo beenisay iney Shabaab dagaal kula wareegtay deegaanka Buulo Xaaji

Oct 14 (Jowhar)-Taliska Ciidanadda Jubaland ayaa beeniyay warar shalay ay faafisay kooxda Al-Shabaab oo ay ku sheegteen iney la wareegeeb gacab ku heynta deegaanka Buula Xaaji oo hoostimaada magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada Jubbaland, Gaashaanke Sare Maxamed Faarax Daahir, ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda aysan soo dhaafin difaacyada hore ciidanadda Jubaland ee duleedka Buula Xaaji, isagoo tilmaanay iney si adag isaga difaaceen kooxdii duulaanka soo qaaday.

Afhayeenka ayaa shaaciyay iney kooxda Shabaab jab xoggan ku gaaraiiyeen dagaalka oo ahaa mid xooggan, isagoo qirtay in dhankooda looga dilay laba askari halka laba kalena looga dhaawacay.

Kooxda Alshabaab ayaa dhankooda sheegay maalintii shalay inay la wareegeen gacanta ku haynta Buulo Xaaji, iyagoo sheegay inay halkaas ku dileen lix askari oo ah ciidamada Jubbaland.

Si kastaba ciidamadda Jubaland ayaa bilo ka hor  kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaankan oo laga ilaaliyo amniga magaalada Kismaayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More