Jubaland oo fariin culus oo la xiriirta xiisadda Gedo u dirtay Ra’iisul wasaare Xamze.
Dec. 19 (Jowhar.com)-Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee maamulka Jubaland Maxamuud Seyd Aadan oo shir jaraa’id qabtay ayaa si kulul uga hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday gobolka Gedo.
Seyd Aadan oo ka soo jeedo gobolkaasi ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Xamze Cabdi Barre ka dalbaday inuu si deg deg ah usoo fara geliyo xiisadda Gedo oo uu sheegay iney xadgudub ku tahay Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaala.
“Dowladda Jubbaland waxay rajeynaysa in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay arrintaan wax ka qabato, maadama ay tahay arrin banaanka ka ah Dastuurka iyo xeerarka dalka u dagsan,” ayuu yiri.
Waxa uu ku goodiyay in wixii haatan ka dnabeeya aysan gacmaha ka laaban doonin xaalka gobolka Gedo oo xudun u ahaa khilaafka dowladii hore ee Farmaajo iyo maamulka Axmed Madoobe, haatanna u muuqata iney bilow u tahay kala taga dowladdan cusub iyo maamulka Jubaland.
“Jubbaland ayada oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah waxay qaadeysa tallaabooyin is-xigxiga oo xal u noqonaya xaalada gobolka, taas oo umadda gobolka Gedo gaarsiinaysa amni, maamul, garsoor iyo adeeg bulsho oo dhameystiran.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, khilaafaadka cusub ee gobolkaasi Gedo ayaa ka danbeeyay kadib markii todobaadkii hore ay ka dageen Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland C/rashiid Janan iyo Senator Fartaag, iyagoo gobolkaasi ka wada olole looga jarayo maamulka Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay Kismaayo.