Jubaland oo howlgal ku qabatay sarkaal ka tiraan kooxda Al-Shabaab

Feb 15 (Jowhar) Hawlgal ay Ciidanka Jubaland ka fuliyeen Deegaanka Lafo-gari oo hoos yimaada Dagmada Dhoobley ayaa lagu Soo qabtay sarkaal lagu magacaabo Macalin Maxamed oo horjoogee ka ahaa Maxkamad ay tuuladaasi ku leheyd kooxda Al-Shabaab.

Warbaahinta Jubaland ayaa baahisay sawirrada ninkan oo ay sheegeen inuu jiro khasaare ka dhashay dagaal dhacay inta soo qabashadiisa ay socototay.

Hawlgalkan oo loo qorsheeyay Si xirfadaysan ayay Ciidamada Jubbaland ku qaarajiyeen afar xubnood oo kamid ahaa maleeshiyaadka Shabaab, kuwaasoo la joogau sarkaalkan gacanta lagu soo dhigay.

Jubaland ma aysan shaacin hadii uu jiro khasaare dhankeeda kasoo gaaray iska caabinta ay kooxdan kala kulmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More