Jubaland oo Qaadacday qodobada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Oct 31  (Jowhar) Maamulka Jubaland auaa warsaxaafadeed uu soo saaray uga hadlay war-murtiyeedkii xalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Jubbaland ayaa ku dhawaaqday markii ugu horeysay in aysan mudo kororsi ogoleyn, doorashadeedana ay qabanayso.

Waxay u jeedisay dhinaca Madaxda DFS eedo waa weyn oo ay kamid yihiin in ay doonayso in Firaaq dastuuri ah la abuuro, Dagaalka Argagixisada aan lagu guuleysan, kala aragti duwanaanshahana aysan dooneyn in wada hadal lagu xaliyo, sidaas waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dhinaca Madaxtooyada Jubbaland, oo lagu cadeeyey mawqifka maamulkaas ee la xariira arrimaha doorashooyinka.

Jubbaland ayaa sheegtay in aysan doorashadeeda dib u dhigeyn oo ay u qabsan doonto, si lamid ah August 2019kii oo aysan dib u dhac aqbaleyn, maadaama lagu fashilmay qabashada doorashooyin mideysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More