Jubaland oo shaacisay iney xiriirkii u jartay dowladda Soomaaliya

Nov 28  ( Jowhar)Go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa si rasmi ah loogu shaacisay in Jubbaland ay joojisay xiriirkii iyo wada shaqayntii kala dhaxaysay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedaysay inay ku tumatay dastuurka dalka.

Jubbaland waxay sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin wax ka beddelka Dastuurka iyo Xeerarka Doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo Golaha Wasiirada Jubbaland ku tilmaamay go’aannada Xukuumadda Federaalka inay yihiin afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah, taasoo halis gelinaysa dowladnimada iyo wadajirka umadda.

Ugu dambeyn Jubbaland waxay ku dhawaaqday GOGOL wadatashi oo ay ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda dalka in ay ka soo qeyb galaan sidii looga tashan lahaa aayaha dowlad-dhiska iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More