Jubaland oo war culus kasoo saartay diyaarad siday gudoomiyaha Gedo ee laga soo celiyay Garbahaareey

Jun. 14 (Jowhar.com)-Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Seyd Aadan ayaa ka hadlay diyaarad shalay laga soo celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaareey, iyadoo diyaaradaasi uu la socday gudoomiyaha cusub uu Axmed Madoobe u magacaabay gobolkaasi Gedo.

Waxa uu tilmaamay in sababta diyaarada ay u dagi weysay ay tahay iney weysay gacankii laga hagayay, taasoo keentay in duuliyihii diyaarada uu dib uga soo laabto magaalada, baaritaano ayuu sheegay iney ku wadaan sabbata dhalisay in la waayo xiriirkii garoonka.

“Maanta diyaaraddii baxday gacankii laga hagayay ayaa la damiyay ama ka damay oo batari la’aan ayaa ku dhacday, marka diyaaraddii marka ay weysay xiriir garoonka ah ayay dib u noqotay” ayuu wareysiga ku yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Maxamuud Seyd Aadan oo isagu laftiisa gobolkaasi kasoo jeeda ayaa dhinaca kale fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxa uu ka dalbaday iney taageeraan isbedelka cusub oo aysan mucaarado horleh ku furin, sida uu hadalka u dhigay.

“Siyaasiyiinta roolkooda waa inoo ahaado isbeddalka Jubbaland oo ay raadinayaan, haddii uu xilliga dhammaado doorasho ayaan qabaneynaa waa inay tartamaan, laakiin isbaaro inay gobolkaas dhigtaan oo umadda gobolka lug gooyaan wax macno ah oo ay sameneyso ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Xaaladda Gedo ayaa mar kale soo laba kacleysay, kadib markii uu dhowaan maamul cusub gobolkaasi u magacaabay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More