Jubbaland oo ku tilmaantay Sharci Darro ciidamo gaaray maanta Raaskaambooni

Nov 25 ( Jowhar) -Maamulka Jubbaland oo maanta markii saddexaad loo doortay inuu madaxweyne ka noqday Axmed Maxamed Islaam ayaa ku tilmaamay sharci darro ciidamo maanta diyaarado loogaga qaaday Muqdisho lagana dajiyay magaalada Raaskaambooni.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaarada amniga gudaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay yihiin ciidamo hab beeleed u abaabulan oo la doonayo in khalkhal lagu geliyo amniga Jubbalanad.

Hase yeeshee dowlada federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada la geeyay Raas Kambooni ay yihiin ciidamo ka tirsan Gorgor ee xoogga dalka ayna la wareegayaan saldhigyada ay ka baxaan ciidamada ATMIS.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidamadaas ay halkaasi ka sii wadi doonaan dagaalka dalka looga xorreynayo Alshabaab.

Halkan ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay Jubbaland;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More