Kalkaaliso u dhalatay dalka Jarmalka oo Afduub ahaan loogu heysto Soomaaliya oo soo hadashay

Mar 27(Jowhar) Sonja Nientiet oo ahayd kalkaaliso u dhalatay Jarmalka, kana shaqeynaysay hay’adda ICRC, xarunteeda Muqdisho oo aan geeri iyo nolol midna lagu haynin ayaa caawa muuqaalkeeda lagu baahiyay bar Youtube ah oo shalay lagu furay nagaca Liiban Osman, balse aan la xaqiijin karin inuu magaciisa dhabta ah yahay.

Haweeneydan ayaa ka codsatay Dowladda Jarmalka inay dadaal u gasho sidii ay xorriyadeeda dib ugu heli lahayd, iyadoo sheegtay inay nafteeda ku jirto khatar haddii aan laga soo daynin dadka haysta.

Haweeneydan ayaa 2dii May 2018 lagu afduubtay magaalada Muqdisho, waxaana waayadii dambe walaac laga qabay inay nooshahay iyo in kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More