Kamala Harris ayaa u dooratay Tim Walz Madaxweyne ku xigeen

Aug 06 (Jowhar.com)-Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ahna musharaxa Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa u dooratay in uu noqdo musharaxa madaxweyne ku xigeenkeeda, Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz.

Ku dhawaaqistan rasmiga ah ayaa ku soo beegantay ka hor munaasibadda ololaha ee ka dhacaysa Philadelphia, taas oo ay labada masuul si rasmi ah uga wada qaybgeli doonaan.

Waxa uu sumcad ku helay istiraatijiyaddii uu ugu yeeray Donald Trump iyo JD Vance “dad yaab leh”.

Weertaas ayaa qabsatay tiro ka mid ah Dimuqraadiyiinta oo uu ku jirto Kamala Harris, kuwaas oo dib u isticmaalay.

Tim Walz oo ah 60-jir ayaa Minnesota ku hogaamiyay mudaaharaadyadii 2020 ee ka dhashay dilkii George Floyd ee Minneapolis.

Timothy James Walz waxaa uu sanaddii 2018 noqday barasaabii 41-aad ee gobolka Minnesota.
Gobolkan ayaa waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee ku sugan dalka Mareykanka.

Muddadii uu xilka hayay Mr Walz waxaa uu si wayn u dhexgalay bulshada Soomaalida ah, waxaa uuna kala qeyb gali jiray xafladaha kala duwan.

Waxaa uu soomaalida kala qeyb gali jiray xafladaha muhiimka ah sida xafladaha maalinta xorriyadda soomaaliya.

Trump ayaa isaguna hore ugu magcaabay Senator JD Vance ooka soo jeeda Ohio inuu noqdo ku xigeenkiisa intii lagu guda jiray shirweynihii xisbiga Jamhuuriga ee dhacay bishii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More