Kamala Harris oo qarka u saaran in ay noqoto Musharrax xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada Mareykanka

Jul 23 (Jowhar.com)-Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris ayaa qarka u saaran in ay noqoto Musharrax xisbiga Dimuqraadiga ku meteli doona doorashada dalkaas ka dhacaysa bisha November, ka dib markii ay heshay kalsoonida taageerada codadka ergada xisbiga Dimuqraadiga ee dooranaysa ciddii beddeli lahayd madaxweyne  Joe Biden oo tartanka ka hadhay iyada oo hadda haysata tiradii looga baahnaa oo ah  kalsoonida  1976 oo ergay.

Sidoo kale lacagta ololaheeda ee qaadhaan bixiyeyaasha xisbiga Dimuqraadigu ugu deeqeen ayaa gaadhey 81 Milyan oo Dollar 24 kiii saacadood ee la soo dhaafay.

Kamala Harris ayaa hadda u muuqata in ay noqon doonto haweenaydii labaad ee ay tartan madaxweynennimo ay isku arkaan madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump kaas markii sadddexaad u sharraxan in uu qabto xilka dalka Maraykanka ugu sarreeya.

Haweenaydan taariikhda ku gashay in ay tahay gabadhii ugu horraysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota dalka Maraykanka ayaa markan isu diyaarinaysa in ay noqoto gabadhii ugu horraysay ee madaxweyne ka noqota dalka Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More