Kenya oo ciidamadeeda Heegan gelisay shaacisayna Magacyada Rag lala xiriirinayo Alshabaab
Feb. 10 (Jowhar.com)Dowlada Kenya ayaa heegan sare gelisay ciidamadeeda ammaanka kadib markii ay soo baxeen warar sheegay in kooxaha argagaxisada ay qorsheynayaan weerar ay ka geystaan caasimada dalkaas ee Nairobi.
Arrintan ayaa soo baxday kadib markii shalay ay safaarada Maraykanka dalka Kenya ay u digtey muwaadiniinteeda ku nool Kenya.
Muwaadiniinta Maraykanka ayaa lagu amray inay feejignaan dheeri ah yeeshaan ayna ka fogaadaan goobaha loo dalxiis tago.
Dowlada Kenya ayaa heeganka ciidamada gelisay saacado kadib markii ay shaacisay magacyada shan ruux oo lala xiriirinayo ururka Alshabaab.
Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen weerarro laga geystay magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.
Magacyada ragga lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab ayaa kala ah Ramadhan Hamisi, Issa Abdalla Ahmed, Ahmed Omar Said,Maalim Yussuf Hassan Abdullahi iyo Maalim Abbas.