Kenya oo Ingiriiska u musaafurineysa nin UK u dhashay oo argagixisanimo u xiran

July. 20 (Jowhar.com)-Dowladda Kenya ayaa amartay in dalkiisa UK dib loogu musaafuriyo muwaadin u dhashay wadankaasi oo dhameystay xabsi uu ugu jiray arrimo argagixisanino.

Sida wararku tilmaamayaan, axkamad ku taal Kenya ayaa amartay in Jermaine John Grant oo argigixiso British ah dib loogu masaafuriyo UK marka uu dhameysto xukunkiisa xabsiga.

Grant ayaa la xiray sanadkii 2011-kii kadib markii lagu soo eedeeyay in uu heystay walxo ka sameysan bambaanooyin,kadibna waxaa lagu helay dambigaasj oo xabsiga la dhigay 2015-kii,waxana uu xabsiga ku jiray tan iyo xiligaasi sagaal sano oo xarig ah.

Xafiiska agaasimaha dacwad oogista (ODPP) ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku yidhi “Maxkamadda sare ee Mombasa waxay ogolaatay codsigii xeer ilaalinta ee ahaa in argagixsaha Britishka ah Jermaine John Grant in la masaafuriyo marka uu dhamaysto xukunkiisa.

Garsoore Anne Ong’injo ayaa amartay in Grant dib loogu celiyo dalkiisa hooyo sida uu qabo sharciga jinsiyadda iyo socdaalka.

Grant oo ku dhashay UK, ayaa waxaa gacanta ku dhigay mas’uuliyiinta Kenya, xilli uu isku dayay inuu u soo gudbo Soomaaliya, isagoo isu ekeysiinaysa haweeney Muslimad ah oo xiran xijaab dhan walba ah min madax ilaa cirib.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More