Kenya oo ka hadashay wadahadalada u bilaabanayo Soomaaliya iyo Somaliland.

Dec. 12 (Jowhar.com)-Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay Soomaaliya iyo Somalilland uga go’an tahay inay sii wadaan waddada wadahadaladda.

Monica Juma ayaa sidoo kale sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib u heshiisiinta.

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta” ayey tiri Monica Juma.

Dowladaha Norwey iyo Turkeyga ayaa fududeynaya qabsoomida wadahadsladan, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin xiliga ay labasa dhinac miiska wadahadalka kusoo fariisanayaan iyo halka gogosha la dhigayo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More