Kenya oo sheegtay in askar ka tirsan NISA ay dil iyo dhaawac u geysteen ciidan Kenyan ah

Mar 16(Jowhar)Dowladda Kenya ayaa sheegtey in askari ka tirsan ciidankeeda ay dileen Ciidamada NISA ee Soomaaliya, isla markaasna dhaawaceen mid kale, hubna ka furteen; ka dib iska-hor-imaad ka dhacay xadka labada dal.

Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaasta.

Sida Kenyanku sheegeen, Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa lagala baxay ciidamada Kenya, kuwaasoo gacanta u galay kooxda NISA

Weli dowladda Soomaaliya kama hadlin dhacdadan iyo haddii ay jiraan khasaare gaadhay NISA.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More