Kenya oo waan waan ka dhex bilowday DF iyo Jubaland

Feb 15(Jowhar)Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay waanwaan iyo diblomaasiyad ka dhex wado Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Jubbaland.

Wasiir katirsan Kenya ayaa xaqiijiyey in safarkii u dambeeyey ee Madaxweynaha Jubbaland uu Nairobi ku yimid uu ahaa mid waanwaan lagu raadinayay.

Wasiir Aadan Bare ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dowladda Kenya ay mowqifkeeda qadiyadda Jubbaland ay shirkii Arusha ugu cadaysay madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ah in khilaafkaasi wadahadal lagu dhameeyo.

Dowladda Dhexe ayaa diiday dib u dooradhada Axmed Madoobe, iyadoo ciidamo dowladda ah ay geysay Raaskambooni kuwaasoo weerar uga yimid Jubaland lagu soo jabiyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More