Khaled Meshaal oo la qorsheynayo inuu noqdo hoggaamiyaha Xamaas

Aug 1 (Jowhar.com) DWaxaa soo baxaya warar sheegaya in ururka Xamaas ay qorsheynayaan in hogaamiyahooda cusub uu noqdo Khaled Meshaal oo hore ay isku dayeen inay sun ku dilaan wakiilo ka socda Israaiil balse ka badbaaday.
Meshaal, oo 68 jir ah, ayaa mar soo noqday hoggaamiyihii dibad joogga ahaa ee Xamaas sagaashamaadkii, waxaana uu magaciisa caan ka noqday adduunka oo dhan ka dib markii Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu amray in la dilo.

Wakiilada Israa’iil ayaa Meshaal ku soo xoomay waddo ka baxsan xafiiskiisa oo ku taal caasimadda Jordan ee Cammaan, iyagoo ku duray sun.

Isku dayga dilka ayaa ka dhashay carro aad u weyn oo ka timid boqorka Urdun oo ku hanjabay inuu ka bixi doono heshiiskii nabada ee Netanyahu uu la galay, oo uu daldali doono wakiillada la qabtay haddii Israa’iil aysan keenin dawada lagu badbaadinayo Meshaal.Israa’iil ayaa ogolaatay shuruudaha, waxana uu Meshaal uu ahaa tan iyo markaas xubin ka mid ah Golaha fulinta ee Hamas’ oo ka kooban15-ka xubnood.
Hase yeeshee waxaa jira warar kale oo sheegaya in sarkaal sare oo lagu magacaabo Khalil al-Hayya, oo soo noqday ku xigeenka hoggaamiyaha Gaza, uu sidoo kale ugu cadcad yahay inuu beddelo Haniyeh.

Israa’iil ayaa dishay ama isku dayday in ay disho dhowr hoggaamiyeyaal iyo hawl-wadeenno Xamaas ah tan iyo markii la aasaasay kooxdan 1987-kii xilligaas oo uu socday kacdoonkii ugu horreeyay ee Falastiiniyiinta oo lagaga soo horjeedo qabsashada Daanta Galbeed iyo Gaza.

Meshaal waxa uu udub dhexaad u ahaa hogaanka sare ee Xamaas ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii, inkasta oo uu inta badan uu ku sugnaa meelo ka baxsan Gaza.

Iyada oo Israel ay qorshaynaysay in ay disho shakhsiyaad kale oo caan ah oo Xamaas ah oo fadhigoodu yahay Marinka Gaza.

Israa’il ayaa weerar cirka ah ku dishey hogaamiyihii ugu horeeyay Xamaas Axmed Yaasin March 2004, Israa’iil waxay Gaza ku dishay beddelkiisii ​​Abdel-Aziz Al-Rantissi bil ka dib, Meshaal ayaa xilligaasi la wareegay hoggaanka guud ee Xamaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More