Khasaare culus oo ka dhashay dagaal ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexmaraya magaalada Muqdisho

Aug. 19 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo ka socda degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku tilmaamayaan, Dagaalka oo soo billowday abaare 9:00 habeenimo ee xalay ayaa socdo illaa iyo hadda wuxuuna u dhexeeyaa ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku dagaalamaya xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degmada Dharkenley ee  gobolka Banaadir.

Ciidanka dagaalamayo ayaa kala ah kuwo uu wato sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Sheegow iyo ciidanka loo xilsaaray xasilinta Muqdisho ee boolis Milatari, iyadoo labada dhinac ay hub culus isu adeegsanayaan.

Inkabadan 10 saacadood oo uu dagaalku socdo waxaa ka dhashay khasaare culus oo labada dhinac kala gaaray iyo dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalamayo.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada boolis milatari ay ku bexeen dhibaatooyin la sheegay iney shacabka ku hayaan ciidanka Jeneraal Sheegow oo u badan dhaca tilifoonada, waxaana intaasi kadib labada ciidan ka dhex qarxay dagaalkan.

Taliyaba booliska Muqdisho Macalin Mahdi iyo saraakiil kale ayaa ku sugan goobta dagaalka, iyadoo ay dhicisoobeen isku dayo la doonayay in si hoose loogu xaliyo xiisada.

Jeneraal Sheegoow oo ah sarkaal Milatariga ka tirsan waxa uu kamid ahaa saraakiishii hormuudka u eheyd ciidankii Badbaado qaran ee Farmaajo ka diidah mudo kororsigii ee kula dagaalamay magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More