Khasaare xooggan oo Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalo ka dhacay degmada Al-kowsar iyo nawaaxigeeda

Feb 25(Jowhar)Wararka laga helayo deegaanada dhanka waqooyi bari ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay Argagixisada Shabaa  dagaalo culus oo ka dhacay degmada Al-kowsar iyo nawaaxigeeda.

Ciidanka deegaanka oo ay wehliyaan Guutooyinka Ciidanka xoogga dalka Gorgor iyo Ilaalo Qaran ayaa cashar u dhigay Argagixisada, dagaal dhowr jeer la isku noqday.

Saraakiisha ciidanka ayaa soo warinaya in meydadka khawaarijta uu yaalo daafaha deegaanka, ayna tahay markii labaad oo khasaare culus la gaarsiiyo muddo shan maalmood.

Dagaal kale oo ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka saakay ka galeen dhanka bariga Gobolka Hiiraan ayay ku fashiliyeen Argagixisada, khasaare xooggan gaarsiiyay.

Isku dayga maalmahan ee Argagixisada ayaa ahaa in deegaano horay looga xorreeyay ay dib u qabsadaan si ay isugu furaan deegaanada Galbeed, illaa waqooyi bari, si ay maleeshiyaad iyo saanado ugu soo gudbiyaan dhanka Gobolada Dhexe oo si weyn ay u go’doomiyeen ciidamada amniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More