Khasaaro culus oo ka dhashay gantaalo ay is-dhaafsadeen Israel iyo Xizbullah

Oct 08 (Jowhar)-Sannad kaddib marki uu billowday dagaalka Gaza, ee hadda ku sii fiday Lubnan, ayay Xisbullah iyo Israel Isniinti shalay is weydaarteen madaafiic cusub.

Xisbullah ayaa gantaallo ku duqeysay magaalada saddexaad ee ugu weyn Isra’il ee Xeyf, halkaas oo ay saraakiisha Isra’aaiiliyiinyu sheegeen in uu jiro khasaare ka dhashay madaafiicdaasi.

Xisbullah waxay sheegtay in ay gantaallada “Fadi 1” ay ku bartilmaameedsatay saldhig millatari oo ku yaalla koofurta Xayfa. Gantaal kale ayay sheegtay in ay ku ridday deegaanka Tiberias oo 65 km u jira Xayfa.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ilaa 190 madfac ay ku dhaceen Isra’il Isniintii. Ilaa 12 qof ayay sheegeen in gantaalladi ay ku dhaawacmeen.

Waxay kaloo sheegeen in koofurta Lubnan shalay looga dilay laba askari, taasi oo tirada askarta Isra’il looga dilay dagaalka Lubnan ka dhigeysa 11.

Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa iyaduna sheegtay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaannada xadka Lubnan iyo Isra’il lagu dilay tobnaan qof oo ay ku jiraan 10 ka mid ah shaqaalaha dab damiska.

Tan iyo marki ay Isra’il billowday duqeymaha iyo dagaalka ay ka waddo Lubnan, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in la dilay ilaa 2,000 oo ruux.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More