Kolonyo gaadiid cunto gargaar ah sida oo gaaray Khartoum
Dec 27 ( Jowhar)-Kolonyo sida raashin mucaawino ah ayaa markii ugu horeysay gaarey magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay bishii April ee sanadkii 2023-kii.
Hay’adaha gargaarka ayaa in muddo ah ka cabanayey in khataro dhanka ammaanka ah iyo jidgooyooyin ay dhigteen dhinacyada dagaallamaya – ay caqabad ku noqdeen gaarsiinta gargaarka muhiimka ah.
Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Ururada Arrimaha bulshada Suudaan waxay wada xaajood la yeesheen ciidamada dowlada iyo kooxda ka soo horjeeda ee ciidamada taageerada degdegga ah.
Qaar ka mid ah dadka ku sii haray magaalada ayaa si weyn ugu farxay gargaarka soo gaaray caasimada.
Kolanyada ayaa ka koobnaa 28 baabuur oo kuwa xamuulka ah. Unicef - oo soo dirtay shan ka mid ah baabuurta – ayaa sheegtay in ay awood u leedahay in ay gaarsiiso Cusbitaalka Al Bashayer iyo xarumaha kale ee caafimaadka ee Khartoum cunto nafo lagu badbaadinayo.
Maalmo ka hor, koox madax-banaan oo khubarada cunnada ah ayaa ka digay in Suudaan ay ku sii siqanayso xasarad macaluuleed oo sii ballaaranaysa.Malaayiin ruux oo ku nool dalka Suudaan ayaa u baahan gargaar cunto ah.
Ciidanka iyo RSF-ta ayaa si wada jir ah u sameeyay afgambi sanadka 2021-ka, balse dagaal awoodeed oo dhexmaray taliyayaashooda ayaa dalka geliyey dagaal sokeeye 20 bilood ka hor.
Bishii May, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Suudaan Tom Perriello ayaa sheegay in qiyaasaha qaar ay soo jeedinayaan in ilaa 150,000 oo qof lagu dilay colaadda.
In ka badan 11 milyan oo qof ayaa laga saaray guryahoodii.
Dadaalo kala duwan oo dhex dhexaadin ah oo la doonayay in lagu soo afjaro iska horimaadka u dhaxeeya ciidamada iyo RSF ayaa ilaa hadda fashilmay.