Koofur Galbeed oo jab xooggan gaarsiisay Shabaab soo weeraray duleedka Baydhabo

Apr 17 (Jowhar) Shacabka reer Baydhabo ayaa saaka isugu soo baxay daawashada meydadka argagixisada ee saaka jabka culus lagu gaarsiiyay aagga deegaanka Daynuunaay, ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka ayaa cashar u dhigay argagixisada.

Meydad ay ku jiraan ajaaniib ayaa lagu soo bandhigay duleedka iyo gudaha Baydhabo, waxaana tallaabadan muujineysaa dhiiranaanta ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka ee ka hortagay Weerarka  Argagixisadu soo qaadeen.

Dhinace kale howlgalo qorsheysan oo saaka iyo maalmihii la soo dhaafay ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ka sameeyeen Jubbada Hoose ayaa jab culus lagu gaarsiiyay Argagixisada, waxaana lagu dilay Horjoogayaal dhowr ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More