Koonfur Galbeed oo War Culus Ka Soo Saartay Weerarkii Lagu Beegsaday Booliska Gaarka Ah

Feb 14(Jowhar)Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa booqday dhaawacyada Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu daweynayo Isbitaalka Xoogga Dalka, kaddib markii ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay deegaanka Jazeera.

Wafdiga booqashada sameeyay waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Koonfur Galbeed, iyadoo ay wehliyeen Wasiir Kuxigeenka Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf, Guddoomiyaha Degmada Afgooye, Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed, Taliye Kuxigeenka Daraawiishta, Lataliyaha Madaxweyne Laftagareen, Guddoomiyaha Deegaanka Jazeera iyo masuuliyiin kale.

Intii ay booqashada ku jireen, mas’uuliyiintu waxay dhiirrigelin u muujiyeen ciidanka dhaawacmay, iyagoo caddeeyay in Koonfur Galbeed garab taagan tahay. Waxay si adag u cambaareeyeen weerarkii lagu qaaday, oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah oo lagu beegsaday ciidamo ku guda jiray waajibaadkooda shaqo.

Booqashada kaddib, mas’uuliyiintu waxay warbaahinta la hadleen, iyagoo war culus ka soo saaray weerarka lagu qaaday Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed. Waxa ay xuseen in maamulka Koonfur Galbeed uu si dhow ula socdo dhacdadaas, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah cid kasta oo ka dambeysay weerarkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More