Koox hubeysan oo weerar ku qaaday maqaayadda Joo’s Kitchen

Dec 25 (Jowhar)- Dabley hubaysan oo ka tirsan kooxaha argagaxisada ayaa weerar ku qaaday makhaayadda Joo’s Kitchen oo ku taal magaalada Muqdisho.
Kooxda weerrka geysatay ayaa uga dan lahaa inay ka qaadaan lacag baad ah oo ay ka urursadaan qaar kamid ah xarumaha Ganacsiga magaalada Muqdisho.

Waxaa ay wararku sheegayaan in kooxda weerarka geysatay ay qorshaynayeen inay dilaan mulkiilaha Joo’s Kitchen, Suad Abdullahi hase yeeshee waa ay ka badbaaday.

Ciidamada Booliska ayaa goobta gaaray waxyar ka dib weerarka iyagoo baaritaan ka sameeyay goobta uu falkan ka dhacay,hase yeeshee kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsatay goobta.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More