Koox hubeysan oo weerartay Xabsiga magaalada Gaalkacyo
Jan 10 (Jowhar)- Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa weerartay xabsiga magaalada Gaalkacyo iyagoo ka caraysan rag ka tirsan beeshooda oo dhawaan maxkamadda ciidanka Puntland xukuntay.
Iskahorimaad hubeysan ayaa ka dhacay afaafka hore ee xabsiga iyadoo ilaalada xabsiga iyo maleeshiyaadka uu halkaas ku dhex maray dagaal xoog leh.
Wararka ayaa sheegaya in hal ruux uu ku dhintey iska horimaadka labo kalana ay ku dhaawacmeen.
Xabsiga la weeraray ayaa waxaa ku xiran maxaabiis ay dhawaan maxkamadda ciidamada Puntland xukuntay oo loo haystay in ay hore Gaalkacyo ugu dileen nin ganacsade ah.