Koox hubeysan oo wiil dhalinyaro ahaa ku dishay magaalada Afgooye.

Jun. 13 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose loogu geystay wiil dhalinyara ahaa, kaasoo si weyn looga yaqaanay xaafadaha degmadaasi.

Dilka waxa uu ka dhacay xaafada Dhagax-tuur, iyadoo kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ay dileen Cabdiqaadir Cabdi Cismaan  oo loo yaqaanay (Jawaari ), sdia dad goob joogayaal ah ay ku warameen.

Ciidamada Nabad Sugida iyo booliska magaalada ayaa sameeyay howlgalo balaaran, inkastoo ay tageen halka dilku ka dhacay hadana ma aysan ku guleysan iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaashii falkaasi dilka ah geystay.

Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geesto dad shacab ah iyo dad u shaqeeya maamulka, waxaana inta badan baxsada oon la arag ragga dilalkaasi qorsheesan fuliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More