Kooxda Calooshood U Shaqeystayaasha Wagner oo joojiyay gelitaanka magaalada Moscow
June. 24 (Jowhar.com)-Hogaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa fariin cod ah soo dhigay bartiisa Telegram waxa uu ku sheegay in uu aqbalay in uu joojiyo dhaqdhaqaaqa ciidamadiisa ee ku sii siqaya caasimadda Ruushka ee Moscow ayna dib ugu laabtaan xeryahooda.
Hogaamiyaha Belarusia Alexander Lukashenko ayaa wadahadalo la yeeshay madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner Yevgeny Prigozhin inta lagu gudajiray Prigozhin wuxuu ogolaaday inuu joojiyo ciidamadiisa isla markaana uu xakameeyo xaaladda,sida ay shaacisay kanaalka wararka ee Rossiya 24.
“Prigozhin waxay aqbashay soo jeedinta Lukashenko ee ah in la joojiyo dhaqdhaqaaqa Wagner ee dhulka Ruushka iyo in la qaado tillaabooyin dheeraad ah oo lagu dejinayo xiisadda,” ayaa waxaa shaacisay Rossiya 24.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay suurtogal tahay in la helo qorshe kale oo la aqbali karo taasoo lagu dejinayo xaaladda amni.
Rossiya 24 ayaa sheegtay in wadahadalka ay ku heshiiyeen Putin iyo kooxda Calool U shaqeystayaasha ah ee uu abuuray.
Maamulka gobollada xuduudka la leh Moscow ayaa qaadayay tallaabooyin halis ah oo isa soo taraya si kooxda Wagner ay uga gaabiyaan inay ku soo dhawaadaan caasimadda Ruushka, sida xiritaanka waddooyinka ama xaddididda isu socodka dadka.
“Waxay rabeen inay kala diraan shirkadda milatariga ee Wagner, waxaanu galnay socod cadaalad ah 23 June.”ayaa laga soo xigtey hoggaamiyaha calool u shaqeystayaasha.
“24 saac gudahood, waxaan gaarnay meel 200km u jirta Moscow. Waqtigan ma aan daadin hal dhibic oo ka mid ah dhiigga dagaalyahannadayada.”ayuu sii raaciyay.
Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa sheegay in Vladimir Putin uu aad u cabsanayo oo uu ku dhuumanayo meel, iyadoo calooshood u shaqeystayaal fallaago ah ku sii socdaan Moscow.