Kooxda Shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Guduud

Mar 26(Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helaa khasaaraha ka dhahay dagaal xooggan oo ciidanadda dowladda iyo kooxda Al-shabaab saaka ku dhexmaray deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Sh.dhexe.

Dagaalkan ayaa kadanbeeyay kadib weerar xooggan oo kooxda Shabaab ay ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Guduud oo fariisin u ah ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee macwuusley.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheeegatay iney qabsayay deegaanka, khasaare lixaad lehna ay gaarsiiyay ciidamadii isbaheysanayay ee halkaasi ku sugnaa, majirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada kooxdan.

Dowladda Soomaaliya wali wax war ah maysan Kasoo saarin dagaalkan iyo khasaaraga ka dhashay.

Masaajid Cali Guduud waa deegaanka Istiraraatiiji ah, waxaana hadey sax noqoto sheegashada kooxdan go’doon galaya boqolaalka askari ee ku sugan deegaanka Nuur Dugle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More